Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka

6
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u hambaleeyay madaxweynaha ku guuleystay doorashada dalka Mareykanka Donald Trump.

Donald Trump ayaa doorasho adag uu la galay haweeneyda lagu magacaabo Kamala Harris kaga guuleystay, kadib markuu helay codadka gaaraya 277 oo ah ergada codeynta ama Electoral College, halka Kamala Harris ay heshay ila hada 224.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray u rajeeyay dhigiisa cusub ee markii labaad loo doortay inuu noqdo madaxweynaha afarta sano ee soo socota Donald Trump.

“Waxaan kuugu hambalyeynayaa Mudane Donald Trump guushaada taariikhiga ah ee doorashada Mareykanka. Waxaan rajeynayaa inaan sii wadno iskaashiga xooggan ee labadeenna wadan, si loo horumariyo nabadda, amniga, iyo horumarka”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba ha ahaatee madaxweynaha ku guuleystay doorashada dalka Mareykanka Donald Trump ayaa Bisha Janaayo ee sanadka soo socda ee 2025 si rasmi ah ula wareegi doono Xilka Madaxweynaha Maraykanka.