Shariif Sheekh Axmed oo weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh

8
Madaxweynahii hore ee Soomaaliya shariif Sheekh Axmed ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay galinkii dambe ee Shalay si adag ugu dhaliilay madaxweynaha dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu horeyn sheegay in doorasho qof iyo cod ah dalka aysan ka dhici karin, hayeeshee ujeedada madaxweyne Xasan Sheekh ay tahay inuu ka dhex arkay danahiisa gaarka ah.

“Degmooyinka Heliwaa iyo Kaxda Kaamirooyin laguma xiri karo goobaha ganacsiga oo Al-shabaab ayey dadku ka baqayaan, dowladuna amar ayey ku bixineysaa in la xirto, marka ma is leedihiin doorasho qof iyo cod ah ayaa dalkaan ka dhici karta? Waa waajib in doorashada ka heshiiyaan dhinacyada galaya, balse doorasho Qof iyo Cod ah waqtigeeda maku dhici kartaa” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynahii hore ayaa sidoo kale nasiib daro weyn ku tilmaamay talaabadii uu Baarlamaanka Soomaaliya uga dalbaday madaxweyne Xasan Sheekh iney fasaxooda dib u dhigaan.

“Waa nasiib darro in Madaxweynihii Qaranka ee Xasan Sheekh inta Baarlamaanka hortago uu yiraahdo Bilaha fasaxa shaqeeya weliba si sharci darro ah” ayuu yiri madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale ka hadlay dhulalka ku yaala magaalada Muqdisho oo ay dowladda ka bixineysi dadka degan, gaar dagaalkii Shalay ka dhacday xaafad ku taala nawaaxiga Ex-Kontarool Afgooye ee ka bilawday dhul dowladu dooneysay iney ka bixiso dadka daganaa.

“Waan ka xumahay wiixi ka dhacay Ex-Kontarool Afgooye, waayo Wiilka dhalinyarada oo Qaranka naftiisa u huray in qoyskiisa la barakiciyo ma ahan wax saxan, halkee la geeyey dhulalkii laga barakiciyey Shacabka” ayuu yiri Shariif Sheekh.