Dowladda Itoobiya oo halis weyn ku tilmaamtay in ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya

11

Dowladda Itoobiya ayaa walaac xooggan ka muujisay amnigeeda iyo xasilloonida gobolka haddii ciidamadeeda qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS laga saaro Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday in ay ka soo horjeedo ka qeyb galka Itoobiya ee howlgalka nabad ilaalinta, iyadoo sabab uga dhigtay xad-gudubyo ka dhan ah Qaranimada Soomaaliya oo ay geysatay Itoobiya.

Sida aan kasoo xiganay ilo diblumaasiyadeed Itoobiya ayaa ku boorinaysa Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay inay ka hortagaan dadaal kasta oo ciidamadeeda looga saarayo ATMIS.

Madaxda Soomaaliya ayaa su’aalo ka keenay sharci ahaanshaha joogitaanka Itoobiya ee Soomaaliya, iyagoo tixraacaya heshiiskii laba geesoodka ahaa ee ay kala saxiixdeen 1-dii Janaayo 2024-kii Itoobiya iyo Somaliland, kaasoo ay Soomaaliya u aragto mid meel ka dhac ku ah qaranimadeeda.

Todobaadkii hore,  Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay inay Ethiopia lumisay kalsoonidii ay qayb kaga noqon lahayd ergada nabad-ilaalinta Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Arbacadii, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay Soomaaliya dooranayaso dalalka ciidamada ugu deeqaya Aussom laga bilaabo Janaayo 2025.