Soomaaliya oo maalin taariikhi ah ku tilmaamtay imaansaha markabka Turkiga ee Oruc Reis

6
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku tilmaamtay maalin taariikhi ah oo uu dalka soo gaaray markabka Turkiga ee Oruc Reis, si uu u bilaabo xog uruurintii ugu horreysay abid ee shidaal baarista Soomaaliya.

Dowladda ayaa aaminsan in mashruucan uu keenayo rajo cusub oo kor u qaadi doonta awoodda dhaqaale ee Soomaaliya.

Cilmi baarista markabkan ayaa diiradda lagu saari doonaa baarista shidaalka ceegaaga badda Soomaaliya.

Dowladdu waxay u mahadcelisay Turkiga ah iyo dhammaan dhinacyada ku lugta leh mashruucan.

Si kastaba ha ahaatee, wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa ku dhawaaqay in markabka Oruc Reis ee Turkiga uu soo gaaray xeebaha Soomaaliya si uu u sameeyo sahamin shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah.

Wasiirka oo uu wehliyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinka dambe ee maanta ka qeyb galaya xafladda lagu soo dhaweynayo markabka cilmi baarista ee Seismic.

Markabkan ayaa Soomaaliya u soo shiraacday horraantii bishan si uu sahamin dhinaca shidaalka ah iyo gaaska dabiiciga ah uga sameeyo saddex goobood oo Turkigu ka helay shatiyada sahaminta.