Gabdho Soomaali ah oo meydadkooda lasoo dhigay qeybo ka mid ah magaalada Nairobi

6

Meydadka laba gabdhood oo Soomaali ah ayaa saacadahii lasoo dhaafay lasoo dhigay xaafado ka tirsan magaalada Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Gabdhahaan Soomaaliyeed ee meydadkooda lasoo dhigay qeybo ka mid ah Nairobi ayaa mid ka mid ah jirkeeda la jarjaray, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka naxdinta loo geystay gabadhahaan.

Ciidamo ka tirsan Booliiska dalka Kenya oo gaaray goobaha lasoo dhigay meydadka labada gabdhood ayaa bilaabay baaritaano lagu sameenayo qaabka loo dilay gabdhahaan iyo waxa sababay.

“Mid kamid ah gabdhaha la dilay ayaa qoorta qeybo ka mid ah toorey looga qalay, waxaa sidoo kale la jaray xubno kale oo jirkeeda kamid ah, waxaana gabdhahan Soomaaliyeed loo dilay si arxandarro ah lamana oga ilaa hadda cidda falkan geesatay” ayay tiri gabar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed reer Nairobi.

Dhancdadaan ayaa Soomaalida ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku abuurtay walaac xoogan oo la xariira sida argagaxa leh ee loo dilay gabdhahaan Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.