Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta wada-hadal la yeelanayo dhigiisa Kenya

6

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay gaaray dalka Kenya isagoo socdaal shaqo ku maraya dalalka qeybta ka ah howlgalka Nabad Ilaalinta Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Madaxweynaha ayaa wadahadallo muhiim ah la yeelan doona dhiggiisa dalka Kenya, Mudane William Ruto, iyaga oo ka wada hadli doona arrimo ay ka mid yihiin xoojinta iskaashiga labada dal iyo taageerada nabadgelyada Soomaaliya.

Safarka madaxweynaha ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka.