Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan kula qaatay magaalada Bujumbura dhigiisa dalka Burundi

5
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Bujumbura ee Caasimadda dalka Burundi halkaas oo uu kulan kulan qaatay dhigiisa dalkaas Évariste Ndayishimiye.

Labada madaxweyne ee dalalka Soomaaliya iyo Burundi ayaa kulan ay ku yeesheen madaxtooyada dalka Burundi kaga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda. .

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Burundi ay kaalin muuqato ka qaatay howgalada nabad iaalinta Soomaaliya, wuxuna uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Burundi taageerada joogtada ah ee ay u fidinayaan dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Burundi Évariste Ndayishimiye ayaa dhankiisa dowladda Soomaaliya ku amaanay guulaha ay ka gaartay dagaalka ay kula jirto kooxda Al-shabaab, ku biirista Bulshada Bariga Afrika iyo Qaadista Cunaqabateynta hubka ee saarneyd Soomaaliya mudada dheer.

Safarkaan uu maanta Madaxweyne Xasan Sheekh ku tagay dalka Burundi ayaa qeyb ka ah safaro is xigxiga oo uu maalmaha soo socda ku kala bixin doono wadamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, waxaana safaradaas ay ka bilaawdeen safar uu shalay ku tagay dalka Uganda, kaasoo uu xigo kan uu maanta ku tagay Burundi, waxaana la filayaa inuu booqasho xigta ee safarkiisa sadaxaad inuu noqdo ku dalka Jabuuti.