Dagaal beeleed khasaare geystay oo ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo

7

Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saakay uu halkaasi ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed.

Dagaalka saakay dib uga qarxay gudaha magaaladaas ayaa dhexmaray laba maleeshiyo oo dhawaan ku dagaalantay halkaas, waxaana la sheegay inuu ahaa dagaalka mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Lama oga khasaraaha rasmiga ah ee ka dhashay dagaal beeleedka saakay dib uga qarxay gudaha magaalada Luuq ee gobolka Gedo, waxaana wali xaalad kacsanaan ah laga dareemaya gudaha magaaladaas.

Dagaalka saakay markale dib uga dhex qarxay labadaan maleeshiyo beeleed ayaa imaanaya, iyadoo Shalay galinkii dambe Madal lagu heshiisinaayay odoyaasha labadaan beelood ay ka dhacday magaalada Ksismaayo, taasoo uu soo xiray madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka degmada Luuq oo ku aadan khasaaraha dhashay dagaalka saakay ka dhacay gudaha magaaladaas iyo waxa sababay inuu markale dib u qarxo dagaal beeleedkaan.