Madaxweyne Xasan Sheekh oo loogu baaqay inuu kala diro Hirshabeelle

4

Madaxweynahii hore ee maamulka Hirshabeele Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa si cad u sheegay in Hirsbabeelle ay dhimatay, kadib xaflado loogu dabaal dagayay maamulka la baxay Hiiraan State oo todobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay magaalooyin ay ka mid yihiin Baledweyne, Muqdisho iyo dalal ku yaala Caalamka

Cabdullaahi ayaa tilmaamay in xafladaha Hiiraan State ay ahayeen kuwa muujinayay sida ay u dhimatay Hirshabeelle, islamarkaana ay u tashadeen dadka reer Hiiraan.

“Hirshabeelle aniga ayaa ahaa madaxweynahii ugu horeeyay waxaana cadeynaya iney dhimatay, waxaana dilay ninka kaligiis fadhiya mudada dheer Cali Guudlaawe, dabaaldegyadii Hiiraan State ee qalqiga badan isugu soo baxeen waxay cadeyneysay heerka naceybka loo qabo Hirshabeelle” ayuu yiri madaxweyne hore Cali Cabdullahi Cosoble.

Wuxuu sidoo kale xusay madaxweynahii hore ee Hirshabeelle in xalka kaliya ee lagu dhameyn karo tabashada reer Hiiraan iney tahay in madaxweyne Xasan Sheekh uu kala diro Hirshabeelle.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Hirshabeelle isaga ayaa digreeto madaxweyne ku dhisay hadana xalka wuxuu ku jira inuu digreeto madaxweyne ku kala diro, si loo helo nidaam cusub oo ay ku qanacsan yihiin dhamaan dadka” ayuu yiri Cali Cabdullaahi Cosoble.

Hadalkaan kasoo yeeray madaxweynahii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi ayaa kusoo aadaya, iyadoo wali Hirshabeelle ay wajaheyso diidmo xoogan oo ay ka qabaan dadka reer Hiiraan, taasoo la xariirta hanaanka saami qeybsiga ee lagu dhisay Hirshabeelle.