Qaramada Midoobay: 3.6 Milyan oo Soomaali ah ayaa wajahaya gaajo aad u daran

6

Ugu yaraan 3.6 milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool ayaa wajahaya gaajo daran, iyadoo la saadaalinayo in xaaladdu ay ka sii dari doonto bilaha soo socda, sida ay sheegtay hay’adda isku xirka gargaarka Qaramada Midoobay ee UNOCHA.

Hay’addu waxay warbixinteeda ku sheegtay, in inta u dhaxaysa Oktoobar iyo Disembar, la filayo inay tiradan kor u kacdo 4.4 milyan oo qof, taasoo ay ugu wacan yahay roobabka dayrta oo aan si fiican loo helidoonin, iyado ay horey u jireen dhibaatooyin ka dhashay colaado, fatahaado iyo daadad.

Iyadoo laga jawaabayo baahiyaha bini’aadantinimo ee sii kordhaya, ayaa hay’adda UNOCHA waxay $3 milyan oo doollar uga qoondaysay Sanduuqa Waxqabadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay (CERF) si wax looga qabto barokaca ay sababeen dagaallada ka socda Soomaaliya.

Maalgelintan ayaa ujeedadeedu tahay in si degdeg ah loogu gurmado dadka ay saameeyeen rabshadaha iyo barakaca.