Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo Maanta ka hadlaya arrimaha Doorashooyinka, Amniga iyo Siyaasadda

8
Shirka golaha wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeya madaxda dowladda Fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta galaya maalintii labaad.

Shirkaan oo uu guddoominayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka qeyb galayaan Raysal wasaare Xamse, ku xigeenkiisa, madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada kala ah Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeele, iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Kulanka maanta ayaa la tilmaamay in madaxda ay diirada ku saari doonaan xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka, amniga iyo siyaasadda.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sidoo kale sheegaya in madaxda golaha wadatashiga Qaranka ay si gaar ah maanta u falanqeyn doonaan qoddob la xariira hirgalinta doorashada, xili qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada uu ka dhamaaday mudo xiloodkoodii, islamarkaasna ay mucaaradka dalbanayaan in la qabto doorasho.

Si kastaba ha ahaatee waxaa shirkaan maalintii labaad galay ka maqan madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaasoo khilaaf adag uu kala dhaxeeyo madaxda dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn indhaha ugu wada haya natiijada kasoo bixi doonta shirka golaha wadatashiga Qaranka oo horay mudo dhowr jeer ah u soo baaqday sababo aan la shaacin, kaasoo ugu dambeyn Shalay ka furmay Muqdisho.