Soomaaliya oo cambaareysey weerarkii Khartoum ee lagu bartilmaameedsaday safiirka Imaaraadka Carabta

8

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii ka dhacay magaalada Khartoum ee lagu bartilmaameedsaday hoyga safiirka  Imaaraadka Carabta ee Sudan.

Wasaaradda ayaa weerarkaan ku tilmaamtay xadgudub  ka dhan ah shuruucda caalamiga ah, waxayna soo jeedisay in loo baahan yahay in la dhowro xurmada xarumaha safaaradaha.

Soomaaliya ayaa sidoo kale adkeysay muhiimadda ay leedahay in xarumaha safaaradaha la siiyo ilaalo buuxda, sida ku xusan axdiga Vienna ee xiriirka diblomaasiyadeed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku boorrisay dhammaan waddamada inay ixtiraamaan qawaaniinta caalamiga ah si loo ilaaliyo amniga iyo xurmada xiriirka diblomaasiyadeed.

Imaaraatka Carabta ayaa sheegtay in isniintii guriga uu daggan yahay safiirkooda magaalada Khartoum lagu weeraray diyaarad militari oo ciidamada Suudaani ay leeyihiin, iyadoo ku tilmaantay weerar aad u fool xun.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in weerarka lagu qaaday guriga safiirkooda uu burbur xooggan u geystay dhismaha.

Ciidamada Suudaan ayaa marar badan ku eedeeyay Imaaraadka in ay hub iyo taageero siiyeen jabhadda Rapid Support Forces (RSF) ee qeybta ka ah dagaalka Sudan 17-ka bilood ka socda. Dowladda Khaliijka ayaa beenisay eedeymahaasi.

Kormeerayaasha cunaqabataynta ayaa ku tilmaamay eedaymo lagu kalsoonaan karo oo ah in Imaaraadku taageero millatari siiyeen RSF