Iiraan oo faahfaahin ka bixisay weerarkii cuslaa ee Xalay ku qaaday Isra’iil

8

Wasiirka arrimaha Dibadda dalka iiraan Abbas Araghchi oo ka hadlayay weerar culus oo Xalay Iiraan ku qaaday Isra’iil ayaa sheegay in weerarka la soo gabagabeeyay kuna ekaa intaas.

Weerarka Xalay Iiraan ku qaaday Isra’iil ayaa ahaa mid loo adeegsaday gantaalaha ballaastikada oo tiro ahaan gaarayay in ka badan 180 gantaal oo ku dhacay magaalooyin kala duwan oo ka mid ah dalkaas, hayeshee si rasmi ah looma shaacin khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Wasiir Abbas ayaa weerarka ku tilmaamay inuu haa mid ay isaga difaacayeen Isra’iil, kadib dilkii qorsheysnaa ee 31-kii bishii July magaalada Tehran ay Isra’ijl ugu geystay hoggaamiyihii Ururka Xamaas Ismail Haniyeh.

“Waxaan sameynay is difaacid, sida uu dhigayo Qodobka 51aad ee Axdiga Qaramada Midoobey, annaga oo bartilmaansanay keliya goobaha ciidamada iyo kuwa amniga ee xasuuqa ka gaysanaya Gaza iyo Lubnaan” ayuu yiri Wasiirka arrimaha Dibadda Iiraan Abbas Araghchi

Wuxuu sidoo kale xusay Wasiirka in Tehran ay sameysay labadii ee lasoo dhaafay is xakameyn, iyadoo tixgelineysa dadaalada caalamiga ah ee lagu doonayay in xabad joojinta lagaga sameeyo Marinka Gaza.

Wasiirka ayaa uga digay maamulka Isra’il iney ka jawaabaan weerarkaasi, isagoona xusay hadii ay taasi dhacdo in falcelinta Tehran ee soo socoto ay noqon doonto mid aad u xoog badan.

Ugu dambeyntii weerarkii Xalay Iiraan ku qaaday Isra’iil ayaa ah kii ugu weynaa ee Iran ku qaado gudaha Isra’il, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza bishii Oktober ee sanadkii 2023.