Musharax Cirro: Xildhibaan Maxamed Abiib waa Codkii Reer Awdal oo Sharci-darro Ku Xidhan

3

Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in Xildhibaan Maxamed Abiib uu yahay codka shacabka gobolka Awdal, isla markaana aanu mudnayn in la aamusiiyo.

Cirro oo saaka ku jarmaaday xabsiga Madheera ee lagu hayo xildhibaanka, ayaa sheegay in uu taageero u muujiyay, isla markaana uu ka waraystay hab dhaqanka uu kala kulmay maamulka xabsiga.

“Xildhibaanka oo aan la kulmay waxa aan ka xaal wareystay xaladdiisa caafimaad, bad-qabkiisa iyo qaabka loola dhaqmo, Xisbi ahaan iyo musharrax ahaanna waxa aan u caddeeyey inuu caddaalad heli doono, sharci darro iyo dastuur jabinna uu ku xidhan yahay, Somaliland oo dhamina ay xadhigiisa ka gilgilatay” ayuu Cirro ku baahiyay bartiisa X.

Waxa uu xildhibaanka ku tilmaamay shakhsiyad adag oo aan si fudud loo hoggaamin karin, oo dulmi diid ah, waxa uu sheegay in uu cod u yahay bulshada uu kasoo jeedo ee gobolka Awdal, waxa uuna ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo.

“Xildhibaan Abiib, waa shakhsiyad keenadiid ah, dulmidiid ah, oo u ah bulshada reer Somaliland caroogga iyo codkooda dheer, ma istaahilo mana mudnayn in afka laga xidho codkaas oo ku fadhiya matalaad reer Awdal ah, waxa aan ku baaqeynaa in xildhibaanka degdeg xorriyaddiisa loogu soo celiyo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cirro.

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa laalay eedaha loo haysto xildhibaanka oo uu xeer ilaaliyaha guud u gudbiya golaha, kadib markii lasii dayn waayayna shirguddoonka, ayaa maxkamada sare ka dalbaday in ay go’aan ka gaadho eedaha ka dhan ka ah xildhibaanka.

Maxamed Abiib ayaa aad u dhalliili jiray xukuumada Somaliland ka hor intii aan la xidhin, waxaana dhawaan laga xidhay madaarka Cigaal ee Hargaysa, mar uu kasoo laabtay dalka Imaaraatka Carabta.