Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Itoobiya ku eedeeyay ku xadgudubka madaxbannaanida Soomaaliya

3

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, ayaa dalka Itoobiya ku eedeeyay inay “si cad ugu xadgudubtay” madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya kadib markii heshiis is-faham ah ay la gashay maamulka Somaliland.

Barre oo ka hadlayay fadhiga Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa Jimcihii si weyn u dhaleeceeyay qorshaha Itoobiya ee ah inay saldhig badeed iyo dekad ganacsi ka dhisato xeebaha Somaliland. Wuxuu qorshaha Addis Ababa ku sifeeyay mid ay ku dooneyso inay ku qaadato dhul Soomaaliyeed.

“Qorshaha Itoobiya ee ah in ay ku hesho marin badeed iyadoo ku andacoonaysa in ay qabsaneyso dhul Soomaaliyeed waa sharci-darro oo aan loo baahnayn,” ayuu yiri Barre, isaga oo Itoobiya ku booriyay in ay dib uga fiirsato tallaabadan.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday maxbannaani gaar ah sannadkii 1991, balse ma jiro wadan u aqoonsan dowlad-madaxbannaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan sheegtay in ciidamada Itoobiya ay ka baxayaan dalka Soomaaliya marka la gaaro bishs Disember ee ciidamada ATMIS ay ka baxayaan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Muqdisho waxay heshiis difaac la saxiixatay Masar, taas oo keentay in Masar ay hub keento Soomaaliya, arrintaas oo ka welwelsiisay Itoobiya maadaama ay ka cabsi qabto in hubkaasi gacanta u galo Al-Shabaab.