Khilaafkii u dhaxeeyay dowladda Fedaraalka iyo Koonfur Galbeed oo isfaham hordhac ah laga gaaray

2

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in isfaham hordhac ah laga gaaray khilaaf adag oo maalmahii lasoo dhaafay u dhaxeeyay dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in masuuliyiin uu hormuud u yahay Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jenaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo Baydhabo u tagay xal u helista khilaafka iney ku guuleysteen in meel la dhigo dhamaan caqabadahii jiray.

Taliye Mahad Cabdiraxmaan Aadan iyo xubnaha wehlinayay ayaa la sheegay in madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed kulamo saacado badan qaatay kula yeesheen magaalada Baydhabo Shalay iyo maanta ugu dambeyn isfaham kusoo dhamaadeen kulamadooda.

Madaxweyne Laftagareen ayaa aqbalay inuu 25-ka bishaan Septembar uu ka qaybgalo Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Magaalada Muqdisho ka dhacaya, islamarkaana inta uu ku sugan yahay Muqdisho uu kulamo la qaadan doono madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya, sida ay warbaahinta u sheegeen ilo lagu kalsoonaan karo.

Waxaa la tilmaamay in isfahamka talaabadiisa koowaad ay tahay in labada dhinacba ay joojiyaan hadalada adag ee xanafta leh ee sababi kara in khilaafka uu markale dib u bilaawdo.

Ugu dambeybtii khilaafka Koonfur Galbeed iyo dowladda Fedaraalka ayaa xoogeystay markii maamulka Koonfur Galbeed iyo shacabka deegaanadaas ka horyimaadeen qorshe dowladda Soomaaliya ku dooneysay in deegaanada maamulkaas ku geeyso ciidamo ka socda dalka Masar, islamarkaana deegaanadaas looga saarayo ciidanka Itoobiya ee horay ugu sugnaa Koonfur Galbeed.