Dowladda Fedaraalka oo si kulul uga hadashay hub sharci daro ah oo Itoobiya soo galisay gudaha Soomaaliya

3

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si kulul loogu cambaareyay hub iyo saanad ciidan oo dowladda Itoobiya ay soo gelisay deegaanada maamulka Puntland.

Warka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in laba gaari oo hub sida ay ka soo talaabeen xadka Itoobiya, islamarkaana gudaha u galeen deegaanada maamul goboleedka Puntland.

“Warbixinno la xaqiijiyey ayaa sheegaya in laba gaari oo hub-sida ay ka soo tallaabeen xadka Itoobiya, gudahana u soo galeen Maamul-Goboleedka Puntland, iyaga oo aan wax wadahadal diblomaasiyadeed ah la sameyn, taas oo si toos ah u jebineysa madaxbannaanida Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay sheegtay in arrintan ay u aragto mid xad gudub weyn ku ah madaxbannaanida Soomaaliya iyo khatar weyn oo ku wajahan amniga Qaranka.

“Dhacdadan waxay daba socotaa shixnado hub ah oo sharci-darro ah oo hore looga soo gudbiyay Itoobiya, kuwaas oo lagu geeyey magaalooyin ka mid ah Maamul-Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya, iyo shixnado kale oo hub iyo rasaas ah oo diyaarado lagu geeyey magaalada Baydhabo ee Maamul-Goboleedka Koofur-Galbeed ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wasaarada arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ugu baaqday dowladda Itoobiya iney si deg deg ah u joojiso tallaabooyinka sharci darada ah ee khatarta weyn ku ah nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.