Turkiga oo doonaya inuu gaar gaar ah ula hadlo Soomaaliya iyo Itoobiya kahor wadahadalada soo socda

3

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in dalkiisu uu doonayo inuu si gaar ah ula hadlo Soomaaliya iyo Itoobiya ka hor intaan la gaarin wada-hadalada soo socda.

Ujeedada ayaa ah in la dhegaysto mowqifkooda ku aaddan heshiiska Addis Ababa ee ay la saxiixatay Somaliland.

Fidan, oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Anadolu, ayaa tilmaamay in Turkigu uu sii wadayo xiriirka uu la leeyahay labada dal.

Wuxuu muujiyay rajo ah in xal loo helo, maaddaama dhinacyadu ay meel gaar ah isugu yimaadeen, taas oo qeyb ka ahayd wada-hadalladii Ankara.

“Ujeeddada aanu leenahay waxay tahay inaan mid mid ula kulano si aan mawqifkooda isula meel dhigno, hadhowna la isu keeno dhinacyada marka uu mawqifkoodu isusoo dhawaado. Casharo ayaa laga bartay labadii wareeg ee wadahadaladii hore,” ayuu yiri Fidan.

Xidhiidhka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa hoos u dhacay tan iyo markii bishii January Itoobiya ay heshiis la gashay Somaliland, heshiiskaas oo u oggolaanaya Itoobiya inay 20 km (12 mayl) ka kiraysato xeebaha Somaliland, taas beddelkeedna ay aqoonsato Somaliland.