Madaxii shaqada iyo shaqaalaha ee shirkadda Favori oo loo xiray xadgudubka muwaadin Soomaaliyeed

4
afiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaca ka qaaday in la soo xiray Mr. Ertugrul Karafiyeli, oo ah Madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha ee shirkadda Favori, isla markaana ah muwaadin u dhashay dalka Turkiga.

Mr. Karafiyeli ayaa lagu eedeeyay anshax xumo, handadaad, xadgudub, iyo tagrifal awoodeed oo uu ku sameeyay muwaadiniin Soomaali ah oo ka shaqeynayay shirkadda.

Maxkamadda Gobolka ayaa ka dib markii ay baaris ku sameysay cadaymaha hordhaca ah ee la soo gudbiyay, go’aansatay in Mr. Karafiyeli lagu hayn doono xabsi ku meel gaar ah.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa sheegay in uu bilaabi doono habka maxkamadaynta eedaysanaha.

Shirka favori ayaa ah shirkadda maamuusha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Marar badan ayaa shirkadda lagu helay xad gudub ka dhan ah shaqaalaha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya garoonka ee hoos yimaada shirkadda.

Sannadkii 2021, Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa ku heshay ku tumasho xuquuq shaqaale, kadib markii sharci yaqaanada Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee (FESTU) ay kusoo eedeeyeen ku xadgudbida xuquuqda mid kamid ah shaqaalaha xoogsatada ah ee shirkadda u shaqeeya.