Wararkii ugu dambeeyay kulamada uu R/W Xamza ka wado Baydhabo

7

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane XamZa Cabdi Barre oo uu Wehliyo Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa si Wadajir ah U-Gudoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Koonfur Galbeed

Shirka waxaa Diirada lagu Saaray Xaalada Guud ee Dalka Dhinacyada Arimaha Amniga, Siyaasada iyo Xoojinta Wada-Shaqaynta Wasaaradaha Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa shalay gaaray Baydhabo, wuxuuna u tegay xalinta xiisadda u dhexeysa Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya