Wiil dhalin yaro ah oo horay dil uga gaystay Caabudwaaq oo toogasho lagu fuliyay

7

Maxamed Kaafi Cabdi oo ay dhowaan dil toogasho ah ku xukuntay maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa maanta lagu toogtay degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolkaasi.

Maxamed Kaafi ayaa lagu helay inuu horay u dilay Marxuum Duraan Jaamac Maxamed, iyada oo maanta laga oofiyay qisaasta.

Sidoo kale ninkan oo horay uga hadlay maxkamadda ayaa qirtay inuu si kas ah u gaystay dilka, isaga oo dalbaday in laga oofiyo qisaasta oo ugu dambeyn maanta lagu fuliyay.