Itoobiya: Madaxda Soomaaliya waxay la shaqeeyaan cadowgeenna, waana iska difaacaynaa

9

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhaleeceeysay madaxda dowladda Soomaaliya inay la shaqeeyaan waxay ugu yeertay cadowga Itoobiya, iyadoo sheegtay inay ka go’an tahay inay difaacdo madax-bannaanideeda.

Taliyaha ciidammada qalabka sida ee dalka Itoobiya, Field Marshal Birhanu ayaa hadalkaan ka sheegay intii lagu guda jiray dabbaaldegga sannad-guurada 47-aad ee taliska bariga Itoobiya.

Field Marshal Birhanu Jula ayaa sheegay inay ciidamadu ugu diyaar-garoobeen inay ka hortagaan wax kasta oo khalkhal gelinaya, isla markaana ay difaacaan madax-bannaanida qaranka.

Wuxuu ka digay wuxuu ugu yeeray cadawga taariikhiga ah ee isku dayaya inay carqaladeeyaan horumarka Itoobiya iyagoo kaashanaya calooshood u shaqeystayaal iyo khaa’inul waddan gudaha ah.

Isagoo la hadlayay saraakiil ciidan iyo saraakiil uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jeneral Abebaw Tadesse, Birhanu ayaa ku booriyay sii wadida diyaargarowga, wuxuuna muujiyay sida ay ciidankoodu u hurayaan nabadda Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee, Itoobiya ayaa halis weyn u aragta iskaashiga Soomaaliya iyo Masar, iskaashigaas oo suurtagalinaya in Masar ay qeyb ka noqoto howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya.