Masar oo adkeysay Amniga xadka ay la wadaagto Qasa & Taliyaha guud ee Ciidanka oo tegay

5

Taliyaha guud ee ciidanka  Masar, Sarreeye Guud Axmed Fathy Khaliifa, ayaa booqasho kadis ah ku tagay xadka Masar iyo Qasa, halkaa oo la sheegay inuu u tagay si uu ugu kuurgalo xaaladda amni iyo xaqiijinta hannaanka loo sugayo amniga xadka.

Booqashadaan ayaa waxaa la sheegay inay daba socoto, kaddib markii ay sare kacday eedeymaha Masar uga imaanaya Ra’iisul Wasaaraga Israa’iil Netanyahu ee la xiriirta inay Xamaas u adeegsato xadka Masar iyo Qasa gaar ahaan marinka Salaaxudiin ee loo yaqaano Philadelphi, marin ay hub iyo dagaalyahanno ka soo geliso Qasa.

Dowladda Masar ayaa horay u xirtay xadka ay la wadaagto Magalada Qasa, iyad aoo u diiday inay dalkeeda soo galaan Shacabka Reer Falastiin ee kasoo cararaya duqeymaha Yahuuda.