Dhalinyaro Soomaali ah oo ku xayiran garoonka diyaaradaha magaalaga São Paulo ee dalka Brazil

7

Garoonka diyaaradaha magaalaga São Paulo ee dalka Brazil waxaa mudo hal todobaad ka badan ku dhex xayiran dhalinyaro Soomaaliyeed oo loo diiday iney ka baxaan.

Dhalinyaradaan ku dhex xaniban garoonka ayaa la sheegay in lagu amray ineysan ka dhex bixi karin gudaha garoonka inta ay ka helayaan jawaab rasmi ah oo la xarirta safarkooda.

Dhalinyaradaan ku xaniban garoonka São Paulo ee dalkaasi Brazil oo tiro ahaan gaaraya 30 ruux ayaa safarkooda waxa uu ku soo aaday, iyadoo maalin ka hor uu soo baxay sharci ay soo saartay dowladda Brazil oo la xiriiray inay joojisay qaabilaadda qaxootiga.

“Xaaladda garoonka nagu haysta waa uun sida dad xiran oo kale, dhul shamiito ah iyo qabow tiro badan uu ka jiro ayaan jiifana wax buste ah haysano oo xaaladu waa nagu adag tahay, Inteena wada socotay waxaan gaaraynaa ilaa 18 qof waxaa kale oo jira Soomaali kale oo naga soo horreeysay oo gaaraya 12 ruux, iyagana sideena oo kale ay ku jiraan waxa macquul ah inay dadka qaar labaatan bari ku sii jireen meeshaan” ayuu yiri Amiir Nuur oo ka mid ah dhalinyarada garoonka ku xayiran.

Wuxu sidoo kale xusay Amiir Nuur in markii hore garoonka ku xayirnayeen intooda Soomaalida ah, hayeshee markii dambe loo keenay dad kale oo ajaaniib ah oo sharci ahaan dhanka safarka kala mid ah.

Dhalinyaradaan Soomaalida ah ayaa markoodii hore ka safray dalka Koonfur Afrika waxayna xuseen iney kusii jeedeen dalka Mareykanka si ay halkaasi uga helaan nolol dhaanta midii ay dalkooda iyo dalka Koonfur Afrika uga soo tageen, waxayna haatan walaac ka muujinayaan xaalada ay ku wajahayaan dalkaasi Brazil.