Golaha Wasiirada oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo ilaalinta qarannimada iyo madax bannaanida dalka

8

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta yeeshay shirkoodii todobaadlaha ahaa ugu baaqay shacabka in ay u midoobaan difaaca Madaxbanaanida, Qarannimada iyo Midnimada dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo shir guddoominayay kulanka Golaha Wasiirrada, ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay lagama maarmaanka u tahay in muwaadiniinta Soomaliyeed ay ka fogaadaan falalka kala qeybsanaanta bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo dadaal wadajir ah si loo gaaro xasillooni siyaasadeed, wuxuuna caddeeyay mowqifka adag ee dowladdu ka taagan tahay kooxaha dowladdu ugu yeerto Khawaarijta iyo wax kasta oo wax u dhimaya midnimada qaranka.

Baaqa Golaha Wasiirrada ayaa daba socda, iyadoo dhawaan shacabka ku nool gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ay taageereen joogitaanka ciidamada Itoobiya.

Dareenka shacabka Bakool ayaa ah mid liddi ku ah qorshaha dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso in ciidamada Itoobiya looga saaro dalka, laguna bedelo ciidamo ka socda dalka Masar.

Dadka reer Bakool ayaa ku doodaya in ciidamada Itoobiya ay gacan weyn ka geysteen sugidda ammaanka deegaannadooda, waxayna sheegeen inay ka walaacsanyihiin bixitaankooda inuu wax u dhimo  ammaankooda.