Suuq ku yaala degmada Garasbaaleey ee magaalada Muqdisho oo qaraxyo lagu weeraray

7

Suuqa ugu weyn degmada Garasbaaleey ee magaalada Muqdisho ayaa lasoo warinaya inuu guban haayo mudo dhowr saacadood ah, kadib markii gubashada suuqaasi ka hor la maqlay dhawaqa laba qarax oo aad xooganaa.

Gubashada Suuqaan oo ku yaala Xaafada Tabeelaha Sheekh Ibraahin ee degmada Garasbaaleey ayaa dadka deegaanka waxay warbaahinta sheegeen inuu ka dhashay qaraxyo lagu aroorninadii hore ee saakay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in dabka uu baabi’iyay hanti badan oo dhextiilay suuqa, waxaana dhamaan burburay goobahi ganacsiga ee ku yaalay suuqaas oo ahaa kuwa aad u camirnaa.

Qaraxyada lagu weeraray Suuqaan ee sababay in hanti badan lagu waayo ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay Suuqaasi lagu xiray intiisa badan Kaamerooyinka qarsoon ee CCTV, taasoo ay amartay dowladda Fedaraalka, waxaana arintaas diidan oo aan ogoleyn Al-shabaab.

Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii sidaan oo kale loo weeraray Suuqyada Marwa iyo Safa ee ku yaala deegaanka Ceelasha Biyaha ee duuleedka magaalada Muqdisho, waxaana halkaas ku burburay dhamaan goobahii ganacsiga iyo hantidi dhex tiilay.