Xaalada Magaalada Ceerigaabo oo kacsan & Xiisad halkaas ka taagan

7

Warsaxaafadeed kasoo baxay Maamulka SSC Khaatumo ayaa lagu sheegay ciidamada Somaliland ay dad shacab ah ku laayeen magaalada Ceerigaabo iyo degmada Goof ee Gobolka Sanaag.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka SSC Khaatuma Najiib Barkhadle ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay magaalada Ceerigaabo ku dileen nin lagu magacaabi jiray Salmaan Aadan Cabdi, oo ganacsade ah, kadibna ay dad ka mudaharaaday dilka ganacsadaha ku laayeen degmada Goof.

Wuxuu sheegay in arrintani ay daba socotay kadib safarkii uu Madaxweyne Biixi ku tagay gobolka, iyaga oo sheegay in ay isha ku hayaan xaalada isla markaana ay is-difaaci doonaan.

Dhinaca kale xalay ayaa markale waxaa Magaalada Ceerigaabo lagu dilay Nin Ganacsade ahaa oo lagu Magacaabi jiray Cumar Sanjocor, kaas oo Mamaulka SSC Khaatuma oo ku eedeeyay inay dileen Ciidamada Somaliland.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Ceerigaabo iyo degmada Goof ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in xiisad dagaal oo ka dhalatay dilalka ay halkasi ka taagan tahay, iyada oo shalay uu ka dhacay dagaal ay ku dhinteen ilaa 5 Ruux oo Shacab u badnaa