Somaliland oo dowladda Soomaaliya ku eedaysay colaada ka taagan gobolka Sanaag

7

Xukuumada Somaliland ayaa dowladda Soomaaliya ku eedaysay in ay gacan ku leedahay xiisada ka taagan gobolka Sanaag.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta, Mustafe Cabdi Ciise ‘Shiine’, oo warbaahinta la hadlay, ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay xasarada ka aloosaan gobolka Sanaag.

“Sidaad la socotaan Somaliland waxay u jihaysatay in ay qabato doorashooyinkii madaxtooyada iyo ururada, si taa looga hortago waxa ay maamulka taagta daran ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ay go’aamiyeen in gobolka Sanaag laga rido dagaal” ayuu yidhu Shiine.

Agaasimuhu waxa uu sheegay in madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Axmed Karaash oo ay dowladda Soomaaliya soo dirsatay uu abaabul dagaal ka wado gobolka Sanaag, waxa uuna sheegay in ciidamada Axmed Karaash ay shalay 5 qof ku dileen degmada Goof, isla markaana, ay dhaceen 150 geel ah.

Waxa uu sheegay in ay dad ka gadooday dilka shalay ka dhacay Goof ay saaka qof kale ku dileen magaalada Ceerigaabo, taasi oo xaalada sii xumaynaysa.

Dhinaca kale, wasaarada arrimaha guddaha, musharax Cabdiraxmaan Cirro iyo salaadiin ayaa ku baaqay in xaalada la dajiyo oo colaada lagu dhameeyo si nabad ah.

SSC Khaatumo ayaa xalay sheegtay in xukuumada Somaliland ay hurinayso colaada, isla markaana ay iyadu dishay dadka ku dhintay shaqaaqada degamada Goof ee gobolka Sanaag, iyada oo sheegtay in anay gacmaha ka laaban doonin.