DF oo ku dhawaaqday natiijada Imtixaanka fasalka 12-aad

4

Wasaaradda Waxbarashada Hiddiha iyo Tacliinta Sare ee Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday natiijada Imtixaanka Fasalka 12aad Dugsiga Sare ee Dalka.

Wasaaradda waxbarashadda ayaa sheegtay in tirada Imtixaanka u fariisatay ahayd 36,034Arday halka tirada Gudubtay tahay Arday 33,666.Waxa sidoo kale natiijada Imtixaanka ku dhacay 2,366 Arday

Dhinaca kale Wasiirka Waxbarashada ayaa ku dhawaaqay in dowladdu sannadkan waxbarasho siinayso 3,000 Arday gabdho ah tan oo ah deeq taas oo lagu baranayo tababbar macallinimo iyo Tababbarka Caafimaadka kuwaas oo la baranayo mudo saddex sanno ah tan oo ah fursad u gaar ah hablaha Soomaaliyeed.