13 kun oo macalimiin ah oo u fariisatay imtixaanka wasaaradda waxbarashada

9

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Imtixaanka laga qaadayo 13,252 qof Macallin oo u tartamayo jagooyin ay soo bandhigtay Wasaaradda Waxbarashada, kaas oo ka dhacaya gobolka Banaadir iyo dowlad gobolleedyada dalka.

Wasiir faarax ayaa sheegay in tirada maclimiinta ay soo codsaday ay ahayd 26,540 markii dib loo eegay ay soo hareen 13,252, kuwaas oo maanta u fadhiistay imtixaanka, kaas oo lagu ggalaya 45-gobood oo kamid ah dalka 19-dagmo oo dowlada goboleedyada dalka iyo 14-gobood oo gobolka Banaadir ah.

Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa tilmaamay in da’daal dheer ayaa wasaaradu u soo gashay hufnaata iyo si ay caddaalad u ku jirto kusoo dalbadaan shaqada macalinimo,.dadkii ku haray kala reebista ayuu sheegay in loo furay fursad cabasho dib u eegis kadibna dakii ay sax noqotay loo ogolaaday in imtixaanka ay galaan.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sidoo kale sheegay Macallimiinta ku soo baxa imtixaanka qoraalka ah mari doonaan midka afka ah si tirada loo qorsheeyey loogu koobo Macallimiinta, isagoo tilmaamay in muhiimad gaar ah la siin doona gabbadha.