Xildhibaano mooshin culus ka gudbiyey canshuurta lagu soo rogay shacabka

7

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa goordhow gudbiyey Mooshin ka dhan ah Canshuurta Iibka ee lagu soo rogay Shacabka.

Xildhibaanada oo kor u dhaafaya illaa 10 mudane ayaa sheegay in ay ka xun yihiin culeyska dhaqaale ee ay DFS saartay dadka Shacabka ah.

Sidoo kale waxay ka dalbadeen guddoonka Golaha in ajendaha maanta lagu soo daro ka doodista canshuurta cusub ee cabashada laga keenay.

Halkan hoose ka akhriso:-