Wada hadalo aan toos ahayn oo maalintii labaad Soomaaliya iyo Ethiopia uga socda Ankara

10
Wada hadalo aan toos ahayn oo u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Ankara ee dalka Turkiga, si loo xalliyo khilaafka labada dal ee ka dhashay heshiiskii marin-biyoodka ee  Addis Ababa ay la gashay Somaliland.

Dhinacyada wada hadalka oo ku sugan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga, ayaan si fool ka fool ah weli u kulmin.

Kulamo gooni-gooni ah ayaa lala yeelanayaa dhinac kasta si loo helo  xal guud ah oo lagusoo afjari karo xiisadda labada dal.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa si gooni gooni ah ula kulmay dhiggiisa Itoobiya Taye Atske Selassie iyo dhiggiisa Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi. Fidan waxaa uu isku dayayaa inuu dhinacyada ku qanciyo inay gaaraan heshiis dhex dhexaad ah.

Turkiga ayaa dadaal ugu jiray sidii loo soo afjari lahaa xiisadda u dhaxeysa labada dal ee Geeska Afrika. Madaxweyne Erdogan  ayaa u arka guul darro diblumaasiyadeed haddii uu dalkiisu ku guulaysan waayo dhex dhexaadinta uu garwadeenka ka ahay dalkiisa.