Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.
Maalik Cabdalla ayaa tilmaamay in dibadb-baxii ka dhacay xeebta Liido uu ahaa mid ay abaabulan oo kaambeyn ah, isla markaana ay soo abaabusho xukuumadda Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab ay mudaharaad aan waxba looga qaadi karin ee loo baahan yahay in la xoojiyo dagaalka Adaga lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
“Xukuumadii meydka aheyd Golaheedii Wasiiradda iyagoo damaashaadaaya ayey tageen xeebta liido oo dhiigii Shacabku daadsan yahay” ayuu yiri Xildhibaanku.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xukuumadda Soomaaliya xalay ku dhowaaqday lacag nus malyan dollar ah oo loogu talagalay ehellada dadkii ku waxyeeloobay weerarka xeebta Liido, halka ra’iisul wasaarunha uu mashaarkiisa bishan ugu deeqay dadkaasi.