(Dhageyso)Dadaalo Nabadeed oo ka soconaya degmada Luuq ee Gobolka Gedo

22

Odoyaasha dhaqanka ee dhinacyadii uu dhibka dhex marey ayuu sheegay in ay madasha ka sheegeen in wixii dhacay laga dawoobo, lagana qeyb qaato Nabadgelyada magaalada Luuq sida sheegay Suldaan Axmed Gamadiid oo Madax u ah Gudi loo saarey Dhex dhexaadinta Beelaha dirirtu ay ku dhex martey degmada Luuq..

Suldan Aden Malaaq oo ka mid ah Ugaasyada Beesha Macalin weyne kuna sugan degmada Luuq ayaa sheegay in Colaadii ka dhacdey degmada Luuq ay haatan ku dhamatey si nabad ah,waxuuna Rajo wanaagsan uu ka muujiyey dadalada nabada iyo dib u heshiisinta laga gaarey deminta coladaasi.

Ibraahin Muxumed Nuur( Ibraahin Towfiiq) EX Darbaweye  oo ah Afhayeenka Beelaha Nabadeenta iyo Xalinta Khlaafadka Beesha SADE ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Beeshooda ayan marnaba ku qanceynin in Ciidamo  la soo geliyo  Magaalada,isagoona sheegay in ay u baahan yahiin dadkii ka dambeeyey Colaada in la soo taago Maxkamad sharci ah.

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIYADA ODOYAASHA DHAQANKA