RW Xamse iyo Madaxweynaha Jubbaland oo booqday degaanka Buulo-Xaaji

20

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo uu wehelinayo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo Taliyayaasha Ciidanka Xooga iyo Booliska iyo Wasiirada Gaashandhiga, Amniga, arrimaha gudaha, Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowlada Federaalka ah ayaa booqasho dhiirigalin ah ugu tagay Ciidamada Darawiishta Jubaland gaar ahaan guutada Birjeex ee fadhigoodu yahay deegaanka BuuloXaaji ee gobolka Jubada Hoose.

Guutada Birjeex ee Ciidamada Darawiishta Jubaland ayaa dhawaan cagta mariyay Xubno katirsan Kooxda Al-Shabaab oo weerar kusoo qaaday deegaanka Buulo-Xaaji ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa marka hore saraakiisha iyo Ciidamada ugu hambalyeeyay Guusha ay ka gaareen dagaalka, isaga oo sheegay in dhammaan Madaxda kala duwan ee dowladda ay ku dhiri gelinayaan inay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo dhankiisa hadlay ayaa sheegay in Wasiirada iyo Kaaba qabiilada taga furimaha dagaalka sidoo kalena siiya ammarada kala duwan ay keento inay Ciidamada kusoo jabaan dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo ugu baaqay Ciidamada inay sii laba jibaaraan dagaalka.

Wuxuu sheegay in Ciidamad aysan cabsan oo ay dalka oo dhan ka xorreeyaan Al-Shabaab, isaga oo sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland ay garab taagan yihiin Ciidamada la dagaalamaya Al-Shabaab.