Wafdi ballaaran oo uu Hogaaminayo Ra’iisal weasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose.
MadaxweynahaMaamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Xamse iyo wafdi uu hogaaminayo.
Masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubland iyo dadweyne kale ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa soo dhaweeynta Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha .
Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xamse & Wafdigiisa ayaa la sheegay in ay la xiriirto dhiirigalinta iyo Tageerada Ciidamada Jubaland iyo Xooga dalka oo howlgalo dalka lagula dagaalamayo Alshabaab ka wada deegaanada Jubaland.