Shirweynaha Culimada oo ka furmay Muqdisho

8

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho ka daahfuray Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo sanadkii labaad lagu qabanayo dalka.

Shirweynaha Culimada oo ay ka qeyb galayaan Culimo Soomaaliyeed oo dalka iyo dibaddiisa isaga kala yimid  ayaa sanadkaan diiradda lagu saari doonaa Midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed waxaana Hal-ku-dhig looga dhigay (Soomaali mid ah).

Shirkii culimada ee sanadkii hore ayaa lagu bogaadiyey howgallada xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ahAlshabaab , sidoo kale Culimada ayaa isku raacay in dagaalka ka dhanka ah Alshabaab uu yahay Jihaad islamarkaana qofkii ku dhintaa uu yahay Shahiid.