Dowladda Soomaaliya oo guul muhiim ah ku tilmaamtay meel marinta in Turkigu ciidamo u soo diro Soomaaliya

8

Baarlamaanka Turkiga ayaa meel mariyay qaraar ku saabsan in ciidamada qalabka sida ee Turkiga la geeyo Soomaaliya muddo labo sano ah.

Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu ayaa ku warantay in Tallaabadan ay ku soo beegantay heshiiska iskaashiga difaaca ee Turkiga iyo Soomaaliya, si loo sugo Ammaanka iyo Xasiloonida Soomaalia iyo dib-u-habaynta Ciiddanka Difaaca iyo Ammaanka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Nuur) ayaa sheegay ansixinta mooshinka Baarlamaanka Turkiga ee ah in ciidamo badda loo diro Soomaaliya, ay ka dhigan tahay guul muhiim ah oo laga gaaray hirgelinta heshiiska difaaca iyo dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Turkiga.

“Dadaalka lagu xoojinayo amniga badda, Turkiga iyo Soomaaliya kama shaqeynayaan oo kaliya xasilinta biyaha xeebaha Soomaaliya, laakiin sidoo kale waxay kobcinayaan sida ay uga go’an tahay nabadda iyo amniga gobolka iyo xoojinta dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada, burcad-badeedda, ka ganacsiga hubka sharci darrada ah. iyo khataro kale,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Tan iyo 25-kii February, 2009-kii, ciidamada badda ee Turkiga waxay ka qayb-qaadanayeen hawl-wadeennada caalamiga ah ee isku-dhafka ah ee la-dagaalanka burcad-badeedda Soomaaliya iyo deegaannada deriska la ah.