Ciidamada dowladda oo howlgal burburin ah ka wada dhulkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha

7

Ciidamo isugu jira Booliis iyo Nabadsugid ayaa howlgalo burburin ah ka wada dhulkii hore ee Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya oo ku yaala degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Howlgaladaan burburinta ah ayaa yimid kadib markii ciidamadaan ay ku jarmaadeen aroornimadii hore ee saakay halka uu ku yaalo dhulka Wasaaradda arrimaha gudaha oo ay daganayeen dad shacab ah, waxaana halkaas ciidamadu ku burburinayaan gaadiidka loo yaqaano cagafcagafta.

Ciidamadaan ku howlan burburinta ayaa sidoo kale xiray dhamaan wadooyinka gala, kana baxa dhulkaas ay daganayeen waayihii dambe dadka shacab ah, waxaana halkaas isaga barakacaya maanta dadkii degana.

Dowladda Fedaraalka ay sheegtay in dadka daganaa dhulkaan ay horay ugu wargelisay iney isaga guuraan dhulkaan, maadama ay u baahan tahay Wasaaradda arrimaha gudaha, islamarkaana loogu shaqeyn doono dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii howlgalkaan burburinta ah oo ay wadaan ciidamada Booliiska iyo Nabad Sugiddda ayaa qeyb ka noqonaya howlgalo burburin ah oo mudooyinkii dambe dadka looga barakicinayay dhulalka danta guud ah, waxaana sidaan oo kale ciidamadu u burburiyeen dhulkii Dab damiska iyo Ceelasha Biyaha.