Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay arrimo xasaasi ah

9

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo saaka shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka.

Shariif ayaa weerar culus ku qaaday dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ku eedeeyay inay ka gaabisay dhammaan howlihii laga rabay, sida amniga, dagaalka Al-Shabaab iyo arrimaha ciidamada iyo doorashooyinka.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday hubkii lagu boobay Caabudwaaq, isaga oo sheegay inuu halis ku yahay cunaqabateyntii hubka ee dhowaan laga qaaday Soomaaliya.

“Dadaal badan ayaa la geliyay in cunaqabateynta la qaado balse waa nasiibdaro in markiiba ay muuqato mas’uuliyad-daro ah in hubkii uu gacanta u galay shacabka, Dowladuna ay ku lug leedahay oo Ciidankeedii ay gelbinayaan Hub sharcidaro ah” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, isaga oo ku eedeeyay madaxweynaha inuu diidan yahay doorashooyinka maamul goboleedyada dalka.

“Waxaa nasoo gaartay in Madaxweynuhu uu ku yiri Madaxda maamulada ee xiligu ka dhamaaday iska jooga waxba doorasho ha gelinina, Dowlad ka shaqeynaysa danaheeda gaarka ah intee na gaynaysaa” ayuu sii raaciyay.