Madaxtooyada Soomaaliya oo faah faahisay Ciidamada Turkiga ee imaanaya Soomaaliya

10

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay faah faahin Guud ka bixisay Ciidamo ka socda dowladda Turkiga oo dhawaan la filayo in la keeno dalka Soomaaliya iyo waxa ay dalka ka qaban doonaan.

La taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa sheegay in Ciidamada ka socda dowladda Turkiga ee imaanaya dalka Soomaaliya ay qeyb ka yihiin heshiiskii difaaca oo ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

La taliyaha oo la hadlay Idaacadda Voa-da Laanteeda Afka Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada ay noqon doonaan kuwa ka socda Ciidamada Badda Turkiga si ay u tababaraan Ciidamada Badda Soomaaliya ee u taagan difaacida Baddeena.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray La taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali in dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay wadaan dadaalkooda ku aadan dhaqan-gelinta heshiiskaas, hayeeshee dib laga soo sheegi doono halka ay ka howlgallayaan Ciidamadaas ka socda Ciidamada Badda Turkiga.

Si kastaba Dowladda Soomaaliya ayaa horay waxaa ay heshiis dhanka difaaca ah la gashay dowladaha Itoobiya, Masar, Imaaraadka Catabta iyo Turkiga, hayeeshee waxaa meesha ka baxay heshii lala galay dowladaha Itoobiya iyo Imaaraadka, kadib markii ay is khilaafeen dowladda Soomaaliya.