Netanyahu oo Cambaareeyn kala kulmay khudbad uu Jeediyay

11

Ra’isal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo khudbad u jeediyay Koongareeska Mareykanka, ayaa si adag u difaacay dagaalka ay dowalddiisa ka wado Gaza, isaga oo wacad ku maray inuu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah Xamaas, inta uu ka helay guul kama danbeys ah, isla markaana uu soo guryo celinayo la heystayaasha Gaza.

Xamaas ayuu ku eedeeyay sii socoshada dagaalka 10 bil jirsaday ee ay Isra’il ka waddo Gaza. Wuxuu weeraray Iran oo uu ku eedeeyay in ay maalgeliso Xamaas, ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan iyo Xuutiyiinta Yemen.

Wuxuu kaloo cambaareeyay dibadbaxayaasha Mareykanka ee mudaaharaadyada ka dhigayay dhawaanahaan xarumaha Jaamacadaha Mareykanka, kuwaas oo uu ku tilmaamay”doqomiin waxtar u yeeshay Iran” isla markaana caawinaya cadawga Israil.

Khudbaddii Netanyahu ee Koongareeska Mareykanka, ayaa waxaan soo xaadirin in ka badan 50 mudane oo ka mid ah mudanayaasha xisbiga Dimoqraadiga ee Koongareeska.

Inti ay khudbadda socotay, ayaa waxaa sidoo kale meel aanan ka fogeyn xarunta Koongareeska ee Capitol Hill ka socday mudaaharaadyo ay ka qeybgaleen kumannaan ruux oo looga soo horjeeday dagaalka Gaza.