Orodyahan guul taariikhi ah usoo hoyay Soomaaliya oo laga reebay Ciyaaraha Olombikada Adduunka ee Paris 2024

8
Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliya ayaa ka saaray Orodyahanka Cabdullaahi Jaamac Maxamed ka qeyb galka Ciyaaraha Olombikada Adduunka ee Paris 2024, kaasoo la qorsheeyay in la qabto 26-ka July illaa 11-ka Agoosto.

Cabdullaahi Jaamac Maxamed ayaa dhawaan ku guuleystay kaalinta labaad ee tartanka 5000 mitir ee tartanka 13-aad ee ciyaaraha Afrika ee lagu qabtay magaalada Accra ee dalka Ghana, March 22, 2024, taasoo ka dhigan in Soomaaliya ay bilad sharafeedkii ugu horeysay ka hesho masraxa caalamka muddo ka badan 35 sano.

Muuqaal laga duubay ayuu Cabdulllaahi ku muujiyay sida uu uga xun yahay ka dib markii guddiga Olombikada ee dalka uu u diiday inuu Soomaaliya u matalo ciyaaraha Olombikada Adduunka ee Paris 2024. Waxa uu daaha ka qaaday in afar ciyaartoy oo kaga hooseeyay tartankii 13-aad ee Afrika ee ka dhacay Accra in loo diray tartammada Paris.

Guddigeena Olombikada Qaranka waxa uu ii diiday ciyaaraha Olombikada, halka ninkii igala qeyb galayay ciyaaraha 13-aad ee Afrika ee ka socday magaalada Accra uu matalayo dalkiisa, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ii balan qaaday in aan heli doono taageero la mid ah tii ciyaaryahanada u ordayey waddamada kale oo aan matali doono. waddankeena waxaan u dagaalamaynaa qarankeena,” ayuu yiri.

Cabdullaahi  ayaa ku eedeeyay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta in ay yihiin caqabadaha ugu weyn ee dalka ka jira ee hortaagan hor-u-marka Isboortiga.

Ka saarista Cabdullaahi ayaa keentay dhaleecayn dadweyne, iyadoo dadka isticmaala baraha bulshada ay ku baaqeen in baaritaan lagu sameeyo qaabka loo soo xulay, islamarkaasna lala xisaabtamo lala xisaabtamo guddiga Olombikada Qaranka. Soomaali badan ayaa filayey in Cabdullaahi uu dalka ku matali doono tartanka Paris 2024, marka loo eego guulihii taariikhiga ahaa ee uu ka gaaray Accra.