Markab ay weerar la beegsadeen Xuutiyiinta Yemen oo ku soo xirtay dekadda Berbera

8

Markabka MV Lobivia oo ku socdaalayay calanka Singapore oo labo maalin ka hor ay weerar la beegsadeen kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa la sheegay xilligaa inuu ka baxay dekedda Berbera, isagoo shixnad u siday Itoobiya.

Markabka ayaa dib ugu soo laabtay dekedda Berbera markii weerarka Xuutiyiinta ay gaarsiiyeen dab qabsaday qaar ka mid ah koonteenarada uu markabka siday, oo looga demiyay dekedda Berbera, iyadoo ay dekedda ku booqdeen saraakiil ka socday dawladda Itoobiya, sida u sheegay telefishinka maxalliga ah ee xaruntiisu tahay Hargeysa ee MMTV.

Xuutiyiinta ayaa markabkan ku eedeyay inuu jabiyay xannibaada saaran maraakiibta Israa’iil, iyagoo ku eedeyay markabkan MV Lobivia inuu leeyahay ganacsade ka soo jeeda Israa’iil.