Ra’iisul wasaare Xamza oo shir muhiim ah ka furay magaalada Dooxa

9

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa si rasmi ah u furay Shirweynaha Qurbajoogta Soomaaliyeed oo maanta ka furmay magaalada Dooxa ee dalka aan walaalaha nahay ee Qatar.

Mudane Xamsa oo khudbad muhiim ah ka jeediyay furitaanka shirweynaha oo halkudhiggiisu yahay “Jiheynta awoodda Qurbajoogta Soomaaliyeed si loo gaaro Soomaaliya bilan oo barwaaqo ah” ayaa waxa uu sheegay ahmiyadda shirkan u leeyahay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan baahida loo qabo xilligan in Qurbajoobta Soomaaliyeed ay sii laba jibbaaraan kaalinta firfircoon ee ay ka qaataan dib u dhiska dalka.

Waxaa sidoo kale uu ka hadlay sida loogu baahan yahay in la dhiso kalsooni, lana dhexgalo bulshooyinka martida loo yahay, iyada oo aan laga tageyn ilaalinta dhaqanka iyo caadooyinka suubban ee Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dheeraaday doorka Qurbajoogta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dib u dhiska, waxbarashada, koboca dhaqaalaha iyo guud ahaan nolosha dalkeena iyo bulshadaba, iyaga oo door weyn ka qaata horumarka dalka.

waxaana uu ugu baaqay boqolaalka qof ee Soomaaliyeed ee ka soo qaybgalay shirka inay ka miradhaliyaan rajooyinka iyo yoolalka dadka Soomaaliyeed ay hiigsanayaan ee ah nabad, horumar iyo barwaaqa.

Shirweynaha Qurbajoogta Soomaaliyeed oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, ayaa waxa ka soo qaybgalay boqolaal Soomaali ah oo ku kala nool daafaha caalamka, kuwaasi oo shirku uga socon doono magaalada Dooxa 22 – 24 Luulyo 2024.