Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay dagaal beeleedyada ka socda Gobolada dalka

13

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si kulul uga hadlay dagaal Beeleedyada ka socda qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya, kaas oo u dhaxeeya maleeshiyo Beeleedyada wada dega Gobolada dalka.

Deni oo hadal ka jeedinayay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in xukunka dalka aan lagu gaari Karin in dhiig la daadiyo, taas bedelkeedana looga baahana yahay dadka kunool Koonfurta Soomaaliya iyo Somaliland inay nabad ku wda noolaadan.

“ Xukunka waxaa lagu koraa cod, waxaana la soo bandhigaa aragtida siyaasadeed, dadka isku diraya qabaa’ilada ee dadka isku diraayo wadadaas waddo sax maahane waxan ugu baaqeeynaa inay kasoo laabtaan, Dadka Soomaaliyeed cid caburin karto majirto” ayuu yiri Madaxweyne Deno.

Madaxda Dalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay talada dadka u daayaan, sidoo kalena Madaxda Somaliland looga baahan yahay inay doorasho sax ah qabtaan, sidoo kalena aysan ka Shaqeyn dhul Ballaarsi.

Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa kusoo aadaya xilli meelo badan oo kamid ah dalka ay kajiraan colaad beeleedyo, kuwaas oo qaarkood xal laga gaaray halka qaar ay weli socdaan, kuwaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac