Wararkii ugu dambeeyay xiisadda ka taagan magacaabista R/W ku xigeen labaad

13

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa haatan soo farogelisay arrinta la xiriirta magacaabista ra’iisul wasaare ku xigeen labaad ee uu dalku yeesho, taas oo ay ka dhalatay xiisad xoogan.

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay cirka isku sii shareerayay xaalada siyaasadeed ee la xiriirta magacaabista ra’iisul wasaare ku xigeen 2-aad, iyada oo khilaaf xoogleh uu ka dhex abuuray Xildhibaanada laba Aqal ee Beelaha Direed iyo Digil iyo Mirifle.

Xildhibaanada Direed ayaa ku doodaya in dalku uusan u baahneyn magacaabista ra’iisul wasaare ku xigeen labaad, taasi oo ay u arkaan in haddii la magacaabo ay hoos u dhici doonto awoodda ra’iisul wasaare ku xigeenka hadda jooga ee kasoo jeeda Beelaha Direed.

Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa dhankooda ku doodaya in waligoodba ay lahaayeen ra’iisul wasaare ku xigeen, uuna yahay xil kaga lunsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa kusoo baxday arrintan iyada oo madaxda dalka ay u sheegeen xildhibaanada Beelaha Direed in arintan meel loo ridi doono si wadar ogol ah.

Beelaha Digil iyo Mirile ayaa iyaguna indhaha ku haya kursiga ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad, waxaana labada beelood mid weliba uu ku hanjabayaa haddii rabitaankiisa aan la tixgelinin ay abuuri doonaan xaalad siyaasadeed oo suuragal ka dhigi karta in ay dhacdo xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Hadaba ka arki doonee halka ay ku dambeyso doodda la xiriirta in dalku yeesho rra’iisul wasaare ku xigeen labaad, xilli lagu jiro marxalad siyaasadeed oo uu aad u kacsan.