Wararkii ugu dambeeyay qarax maanta ka dhacay Beledweyne iyo Khasaaraha

14

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in barqanimadii maanta qarax xoogan uu ka dhacay bartamaha magaaladaasi, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lasoo wariyay inuu ka dhacay maqaayad ku taalla xaafadda Xaawo Taako ee magaaladaasi, halkaas oo ay ku sugnaayeen dad badan.

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay qaraxa, kuwaas oo kala ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda iyo qof shacab ah oo ku sugnaa goobta la qarxiyay.

Sidoo kale waxaa jira dad kale oo ku dhaawacay miinadaasi, taas oo ay ku jirto haweeneydii lahayd maqaayadda la qarxiyay.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo sameeyay baaritaano qaraxa kadib, balse ma jirto natiijo kasoo baxday howlgalkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa goobta uu qaraxu ka dhacay oo muddo kooban ay xireen ciidamada ammaanka.

Degmada Beledweyne ayaa waxaa marar badan ka dhacay weeraro qaraxyo ah oo dhaliyay khasaarooyin kala duwan, waxayna magaaladan xudun u tahay kacdoon shacab ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee kusii fiday gobollada dalka, kadib markii ay dadka deegaanka ku biireen howlgallada xoreynta ee ka socda dalka kaas oo ay hogaamineyso dowladda dhexe.