Saddex Qof Soomaali ah oo si xun loogu dilay Gudaha dalka Kenya

12

Dad careysnaa ayaa Saddex qof oo Soomaali ah ku dilay Galbeedka dalka Kenya halka ay dhaawaceen 7 Ruux oo kale, xilli ay kala dageen Gaari NOHA ah oo ay saarnaayeen, waxaana dadka la dilay ay u badnaayeen dhalinyaro.

Dadka ayaa dilkooda loo adeegsaday Budad iyo Seefaf, waxaana Magaalada Nairobi lagu Aasay qaar kamid ah dadkaasi la dilay halka kuwa dhaawacmayna lagu daweeynayo Isbitaallada dalka Kenya.

Qaar kamid ah Ehellada dadka la dilay oo ka hadlay, ayaa cadaalad ka dalbaday dowladda Kenya, waxaana ay sheegeen in falkaasi dilka ah uu ahaa mid aad looga xumaado.

Magaalooyinka dalka Kenya ayaa waxaa ku sugan Soomaali farabadan, kuwaas oo Ganacsi ku heysta, halka qaarkood ay wax ka bartaan, hayeeshee mararka qaar ay la kulmaan dhibaatooyin kala duwan.