Soomaaliya oo bixisay $7.8m oo loogu talo galay miisaaniyadda EAC

13

owladda Soomaaliya ayaa bixisay lacag dhan $7,853,071, taas oo ah sanad miisaaniyadeedka 2024/2025 ee Dallada Bulshada Bariga Afrika ee EAC.

Soomaaliya ayaa la sheegay inay ka fiican tahay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, oo ku biirtay ururkan labo sano ka hor, kuwaasoo weli aan waxba kusoo kordhin dallada.

“Ku biirista Soomaaliya waxay mas’uuliyado iyo waajibaad dheeri ah saaraysaa Hay’adaha dallada EAC,” ayuu yiri  Kennedy Mukulia oo ah xildhibaan katirsan Dallada Bulshada Bariga Afrika EAC.

“Iyadoo laga yaabo in miisaaniyada Bulshadu ay u muuqato inay korortay, waa in la ogaadaa in kororkan inta badan loo aaneynayo tabarucaadka Soomaaliya,” ayuu yiri Kennedy Mukulia.

Soomaaliya oo dhawaan xaqiijisay ku biirsiteeda EAC, ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay ka qayb galka shirarka looga doodayo ajendaha dallada.